Maraakiibta ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga iyo sidoo kale maraakiib kale oo ay leeyihiin hay’ado samafal ah ayaa xeebaha dalka Libya kasoo bad-baadiyay kumanaan qof oo ah tahriibayaal ah, kuwaas oo doonaya in ay soo gaadhaan qaaradda Yurub.

Tan iyo maalinimadii Axada ahayd ayaa waxaa laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Liibiya tiro lagu sheegay 6,500 oo tahriibayaal ah, kuwaasoo saaraa doomo yaryar. Dadkan lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray ilmo yar oo lagu sheegay inuu shan bilood jiray iyo caruur kale oo aad u yaryar.

Wararku waxay sheegayaan in dadkan tahriibka ah ay badankood kasoo jeedaan dalalka Geeska Africa sida Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea, waxaa kaloo iyaguna kujira dad wadamada carbeed kasoo tahriibay.

Sida laga soo xigtay hay’adaha u kuurgala arimaha Qaxootiga waxay sheegayaan in tiro badan oo tahriibayaal ah ay suurtagal tahay inay bilaha soosocda badda soo gudbaan intaan qaboobaha lagaadhin xiligaas oo ay baddu xidhanto. Waxaa lagu qiyaasay inay sanadkan 2016 oo kaliya ay soo gaadheen wadanka Taliyaaniga 112, 000 oo qof.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay