Ururada arimaha bulshada ee kahowlgala Itoobiya ayaa gudiga xaqiiqo raadinta ee qaramada midoobay ka codsaday in ay hadiiba ay tagaan gudaha wadanka ay simadax banaan u baadhaan wixii meesha kadhacay, Ururada bulshada oo walaac badan kamuujinaya in ay gudigaasu si madax banaan howlahooda u qabsanayaan ayaa gudiga kula dardaarmay in ay qoraalo kasoo sameeyeen wixii meesha kadhacay ee Dil, Xadhig, kufsi, Jidh-dil iyo Dhac lahaa.

Ururada bulshada ayaa intaas raaciyay in aysan Itoobiya waligeed ogolaanin gudi ama shakhsiyaad si madax banaan dhulka ay gumaysato umara waxaana caado iyo dhaqan u ah in ay ciidan gudiga ama qofka handada raaciyaan iyo in ay dadkii lawaraysan lahaa cadaadiyaan si ayna wax war ah u bixinin iyagoo naftooda ubaqaya.

Sidoo kale ururada arimaha bulshada ayaa xusay in Hay’adaha xuquuqul insaanka udooda sida HRW iyo kuwo kale ay shaqo wanaagsan kaqabteen xasuuqa kasocda Oromia iyo dhulka Axmaarada iyagoo dunida usoo bandhigay tacadiyada sida arxan darada ah ay ciidanka wayaanuhu ugu gaysanayaan dadka shacabka ah ee sida nabad galiyada ah umudaharaadaya xaqoodana ku raad taagan.

Sidoo kale ururrada arimaha bulshada ayaa sheegay in ayna shacabku joojin doonin kacdoonka ay xoriyadooda kuraadsanayaan isla markaana aysan ka daali doonin dibad baxyada siina xoojin doonaan.

Dhinaca kale ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameed kadhigteen Hay’adaha yar yar ee wadanka kashaqeeya ( local NGO ) waxayna hay’adaha ku eedeeyeen in ay dabada kariixayaan kacdoonka kasocda Itoobiya, Ciidamada Itoobiya waxaa lagu yaqaanaa in ay wadanka ka ilaaliyaan dhamaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha sida madaxa banaan usocda waxayna dadkaas ugu yeedhaan Argagixiso.

Sidoo kale ururada bulshada ayaa qolalkooda kusheegay in ay ciidamada gumaysigu xabsiga dhigeen wariye yaal, siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh kuwaas oo dhamaan lagu eedeeyay in ay taageerayeen kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay