Xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya oo ah xarunta ugu wayn ganacsiga dalka Kenya ayaa maanta albaabada la isugu dhuftay suuqaqa ugu wayn xaafada.

Shaqo joojinta ganacsatada xaada Islii ayaa socon doonta mudo sex bari ah sida lagu sheegay war kasoo baxay gudiga ganacsatada xaafada.

Ganacsatada xaafada islii ayaa ka cabanaya arimo ay ku sheegeen inay kamid tahay Arimaha amaanka, nafaadada oo liidata, wadooyinka oo xun iyo dadka wadhatooyinka ah ee wadooyinka iyo goobaha ganacsiga wax ku horgata.

Xaafada islii ganacsiga ka jira ayaa lagusheegaa inuu 60% ka yahay guud ahaan gansiga dalka Kenya iyadoo dowlada kenya dhaqaale badan ka hesho ganacsiga xaafada Islii.

 

ONA/ Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay