Wararka kasoo baxaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay afhayeenkii kooxda Daacish (ISIS) ee ka dagaalanta wadamada Ciraaq iyo Suuriya Abu Mohamed al-Adnani.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaanka Waqooyi bari ka xiga magaalada Xallab oo ay dagaalo culus ka socdaan. Al Adnani ayaa sidoo kale kamid ahaa abaanduulayaasha muhiimka ah ee kooxda ISIS ee wadanka Suuriya.

Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Daacish ayaa shaacisay in hogaamiyahaasi uu ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah xili uu ku jiray hawlgalo maleeshiyaadka ISIS kula dagaalamayeen xoogaga ku sugan magaalada Xallab (Aleppo).

Abu Mohamed al-Adnani ayaa lagu xasuustaa filimaantii uu shaacin jiray, isagoo inta badan ku baraarujin jiray taageerayaasha kooxdaasi inay weeraro ka geystaan gudaha dalalka Yurub iyo Maraykanka, waxaana la sheegaa inuu ku lug lahaa weeraradii ka dhacay sanadkii hore wadanka Faransiiska.

Dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisay inay diyaaradaheeda ay duqeyn la beegsadeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ISIS balse aysan xiligan xaqiijin karin in hogaamiyahaasi uu kamid ahaa dadkii ay ku dileen duqeyntooda.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay