Warar uu nasoo gaadhiiyay wariyaha noga soo warama  gudaha Ogaadeenya  ayaa waxa uu soo sheegay in maalmahan ay dhacayeen dagaalo  u badan  mir oo ay naftood-hurayaasha CWXO ku qaadayeen  bartilmaameedyo gaar ah  kuwaas khasaare  naf iyo maalba ah loogu gaystay cadawga.

Dagaaladan oo ka mid ah  kuwa sida joogtada ah u dhex mara ciidamada cadawga iyo  kuwa naftood-hurayaasha CWXO ayay kuwii ugu dambeeyay ee faahfaahintooda aan helnay ay u dhaceen sidan;

15/11/2011 dagaalka habeenimo oo ka  dhacay Daratoole ayaa waxaa cadawga lagaga dilay 1 askari  2 kalana lagaga dhaawacay.

18/11/2011 dagaal ka dhacay Birdhayte  oo ka tirsan deegaanka Baabili  waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 9 askari waxaana lagaga dhaawacay 15 kale.

19/11/2011 dagaal ka dhacay Qudhac-qalooc oo ka tirsan gunagado waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay  11 askari waxaana lagaga dhaawcay  14 kale

23/11/2011 dagaal ka dhacay Haarcaday o oak tirsan  Garigo’an waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 5 askari waxaana lagaga dhaawacay 7 askari.

6/11/2011 dagaal ka dhacay Sagalada oo ka tirsan degmada qabridahar waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 askri  waxaana lagaga dhaawacay tiro kale.

8/11/2011  dagaal ka dhacay Dhadhiin oo ka tirsan degmada Qabri dahar waxaa ciidamada cadawga lagaga 6 askari iyadoo uu jiro dhaawac intaaka badan.

Wariyaha ONA waxa uu intaa ku daray in weerar lagu qaaday kolanyo gaadiid ay xidheen dhiiqo iyo daadad meesha loo yaqaan Uubataale oo ka tirsan degmada Wardheer waxaana halkaa loogu gaystay khasaare balaadhan oo aan dib ka soo faafhfaahin doono.

Wararku waxay intaa ku darayaan inay jiraan mir habeenimo loo gaystay deegaanada kala ah Garida, Galaalshe, Goryo, Cobole iyo Qudhac-dhaareed. Dagaaladan oo dhacay xili habeenimo ayaa cadawga loogu gaystay  khasaare lixaadle.

Dhanka kale waxaa jira tacadiyo loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan,  dhibaatooyinkaa loo gaysat dadka ayaa waxa ka mid ah dil, xadhig, dhac iyo jidh-dil. Faahfaahinta tacadiyadaa ayaad kala socon doontaan idaacadaheena iyadoo loo gudbin doono haya’daha qaabilsan xuquuqul insaanka.

 

ONA.


 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay