Waxaa shalay galab lagu soo gunaanaday Caasimadda Oslo ee dalka Norway shir balaadhan oo ay ka soo qeyb galeen madax sare oo ka socotay dawladda Norway, ururo caalami ah, Jaaliyadda S. Ogadeenya iyo dhamaan ururadda mucaaridka ee ku kacsan taliska Addis Ababa. Shirkan oo ujeedadiisu ahayd soo daah ka qaadida warbixino ay soo diyaarisay hay’ada layidhaahdo Development Fund, ayaa  waxay hay’adu kasoo qaybgalayaasha usoo bandhigtay qoraalo muhiim ah oo ka turjumayey qaabka loo adeegsado mucaawinadda ay baxshaan wadamada reer-galbeedka ee la siiyo gumaysatada itoobiya , gaara ahaan Norway oo ay ku tilmaantay warbixintu inay tahay mid lagu cabudhiyo ururada siyaasadda ee ka jira Itoobiya, xasuuq baahsana loogu geysto bulshadda ku dhaqan dalka Ogadeenya.Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda Norway marwo Fiskaa oo xubin ka ah xisbiga SV ayaa walaac ka muujisay qaabka loo adeegsado deeqda ay sii mariyaan hay’adaha dawliga ah, oo ay tiri  hay’adaha dawliga ahi waa dhuunta kaliya ee aan kaalmadda ku gaadhsiino dadka la il daran gaajadda,saboolnimada iyo abaarta.

Marwo Hani Sheekh oo ka socotay Jaaliyadda Ogadeenya ayaa weydiisay haweenayda  Wasiiru dawlaha arimaha dibada dalka norway sida ay ula muuqato in canshuurta laga qaado dadka Norwegian ka ah loo adeegsado xasuuqa caruurta iyo haweenka Ogadeenya iyo sababta cadaadis dhaqaalle iyo mid siyaasadeed loo saari la’yahay taliska Males Zenawi?  Marwo fiskaa oo ka jawaabaysa su’aasha ayaa cadaysay  in xaalka Ogadeenya si gooni ah ay ula socdaan kana war hayaan dhamaan warbixinadda cadeymaha wata ee sheegaya xasuuqa baahsan ee Ciidamada Itoobiya ka geysanayaan gobolka Ogadeenya.”Waan la soconaa xasuuqa Ogadeenya ka jira iyo dadka shacabka ah ee la iska xidh-xidho maalin kasta, waxaana filayaa inaan iskaashi intan ka badan arinta Ogadeenya  kala sameyn doono saxiibadannada reer-Yurub, sidii  deg-deg wax looga qaban loona soo afjari  lahaa dhibaatadda murugsan ee ka taagan Ogadeenya” ayey tiri Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda ee dalka Norway marwo Fiskaa.

Sidoo kale, Mudane Khalif oo ka mid ahaa marti-sharaftii lagu casuumay shirkan caalamiga ah ayaa su’aalo dhawr ah oo uu ku lifaaqayey warbixintii BBC News Night, ka diyaarisay gabood-falladda askarta Tigreega ka geystaan dhulka Ogadeenya & sida loo siyaasadeeyo gargaarka reer galbeedku siiyaan itoobiya, weydiiyey xubnihii matalayey hay’adaha deeqda bixiya iyo madaxdii ka socotay dawladda Norway. Shirka ayaa intiisa badnayd isu badalay in lagu lafo-guro lagagana doodo xaaladda bini’aadminimo ee ka jirta Ogadeenya hadday tahay xasuuqa ay geystaan maleeshiyaadka Tigreega, kuwa u shaqeeya iyo kaalmadda reer-galbeedku baxiyaan oo loo adeegsado in lagu cabudhiyo ururadda siyaasadda iyo shacabka.

Xaaji Abdallah iyo Eng. Ahmed Iman, oo ka tirsan hogaanka sare ee Jaaliyadda Norway ayaa ka codsatay hay’ada Development Fund iyo madaxda Norway in xuquuqul insaanka oo la dhawro lagu saleeyo dhamaan deeqaha iyo kaalmadda loogu talo galay in la gaadhsiiyo dadka tabaalaysa, waaba haddii bay yidhaahdeen ay jirto dad wax ka hela.Shirka oo ahaa mid aad u balaadhan oo ay soo xaadireen warbaahin badan oo ay kamid ahaayen, TV-ga Ilays, ESAT, Wakaaladda Wararka Ogadeenya u faafisa ee ONA, wargeysyo iyo idaacadaha Jermalka iyo Mareykanka ayaa ku soo idlaaday guul iyo natiijio wax ku ool ah oo horu dhaceeda laga dhadhansan karayay sida ay uga og’an tahay dawladda Norway iyo ururada kaleba wax ka qabashada amuuraha  deeqaha itoobiya la siiyo ee laga afqabtay dadkii loogu tala galay loona adeegsaday gumaadka shacabka & la dagaalanka ururada siyaasada.

Mohamed Ilays
ONA/Norway.

 

 
 

1 Comment

  1. hassan says:

    walaalaha kunool iyo norway iyo guud ahaan yuruba aad iyo aad ayaad umahadsantihii sida dadnimada leh iyo firinfircoonida aad marwalba ugutaagantihiin wax uqabadka umadiina dulman walaalayaal halkaas kasiiwada waad kadheerayseen jaaliyadaha kale ee caalamka waana laidiin hayaa abaalkaas qolka kaydka ayuu galay hanbalyo ayaan idinleeyahay

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay