Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteen waxaa muddo sadex maalmood ah xirnaa Suuqa Xaafadda ay Somalidu ku badantahay ee magaalada Nairobi ee lagu magacaabo Islii.

Ganacsatada Soomaalida ee suuqa Islii meheradaha ku haysta ayaa go’aansadeen inay shaqada joojiyaan, iyagoo ka cabanayay dad wadhato ah oo albaabada xarumahooda gamacsiga iyo jidadka suuqa ku soo batay. Dadkan miisaska ku ganacsanaya ayaa jidhay maritaanadii dukaamada Somalida.

Booliska dalka Kenya ayaa burburiyay goobo ay wadhatu ku lahaayeen agagaaraha suuqa iyo jidadkiisa Suuqa Isli, kaasoo dhaliyay mudaahraaad dhagax tuur wata oo ay wadhatadu iyo ganacsatada dukaanleyda isaga soo horjeedaan. Lama saadaalin karo natiijada ka dhalan karta talaabadan ay boosku qaadeen balse waxaa aad looga cabsi qabaa inay xiisad ka dhalato arintan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay