Madaxda waddamada ugu dhaqaalaha badan ee caalamka ayaa magaalada Hanjuu ee dalka Shiinaha u jooga shirkooda sanad laha ah ee loo yaqaano Wadamada G20.

Waxaa ugu muhiimsan ee Madaxda wadamada G20 ay kawada hadlayaan ayaa lagu sheegay inay kamid yihiin xaalada Qaxootiga caalamka oo gaadhay meeshii ugu saraysay taasoo ay qaarada Yurub aad uga cabanayso inay kusoo fateheen mawjado qaxooti ah oo intooda badan kasoo qaxay dagaalada sokeeye ee kasocda wadanka Suuriya.

Waxaa kaloo kamid ahaa ajendeyaasha aadka loogu falanqeeyay kulankan uga socda wadamada G20 dhaqaalaha aduunka gaar ahaan sidii jawi ganacsi oo iskaashi iyo wada shaqayn wanaagsan ku qotoma loo abuuri lahaa. Madaxda ayaa qorshaynaya inay heshiis kama dambays ah ka gaadhi doonaa sidii looga wada qayb-qaadan lahaa koba dhaqaalaha aduunka.

Dhinaca kale madaxda kulankan ka qaybgalaysa ayaa lagu wadaa inay ansixin doonaan heshiiskii taariikhiga ahaa ee kal-hore lagu gaadhay wadanka Faransiiska kaasoo ku saabsan sidii loo dhimi lahaa heer-kulka wadamada Warshada iyo wax soo saarka leh ee aduunka. Arintan oo saamayn wayn ku yeelatay cimilada aduunka oo aa sare ugu kacday sanadihii lasoo dhaafay.

Kulankan G200 inta uu socdo ayaa waxay madaxda ka qaybgalaysa yeelan doonaan kulamo gooni gooni ah oo ay kaga wada arinsan doonaan iskaashiga ganacsi ee wadamada G20 ka dhexeeya.

ONA

G20

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay