Ciidanka Turkiga ayaa sheegay in khasaaro ciidankooda kasoo gaadhay dagaalo ay la galeen xoogaga Daacish ee ku sugan waqooyiga dalka Suuriya.

Dagaalkan ayaa ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Al-Raci oo ku taala Waqooyiga Suuriya, magaaladan ayaa dhinaca Koonfur-Galbeed ugaga xigta magaalada Jarablus oo ay horey ciidamada Turkiga iyo xoogaga mucaaridka Suuriya ugala wareegeen kooxda ISIS.

Taangiyo ay leeyihiin ciidamada Turkiga ayaa la sheegay inay gantaalo ku dhufteen dagaalyahanada Daacish oo weli ku mintidaya qeybihii ugu danbeeyey ee dhulka Waqooyiga Suuriya oo gacantooda ku jiray, deegaankaasi oo u dhaw xaduuda Turkiga ayey u adeegsan jireen dhinaca saadka iyo waliba isu socodka xubnaha Daacish ka tirsan ee ka yimaada dalalka kale.

Xukuumada Turkiga ayaa iyadu qorshaheedu yahay inay Daacish iyo xoogaga Kurdida labadaba ka saarto dhulka saaran xaduuda ay la wadaagto dalka Suuriya si aan khal khal amnigeeda ugu iman, waxaana todobaadkii hore labo askari ay ku dhinteen madaafiic ay xoogaga Kurdida ku tuuren ciidamada Turkiga ee gudaha u galay dalka Siiriya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay