OGAYSIIS MUHIIM AH
Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan dalka Koonfur Afrika gaar ahaan gobolka Gauteng magaalooyinka Johannesburg, Pretoria iyo nawaaxigooda in ay jirto xalfad lagu maamuusayo 32 GUURADII kasoo wareegtay Aas-aaskii Ururka ONLF (JABHADA WADANIGA XORAYNTA SOOMAALIDA OGAADEENIYA) {XORIYADA OGAADEENIYA WAA FURAHA NABADA GEESKA AFRKA}
Xalfadan oo lagu soo bandhigi doono Taariikh Hagameedka Umada Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida Ogaadeeniya isla markaana lagaga warbixin doono xaalada Gumaysiga guunka ah ee ABYSSINIA oo kala guur ah. Waxaa sidoo kale qudbado ka jeedin doona masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka socda Bulshadeena Qaaliga ah ee Soomaaliwayn inshaa allah(1529-2016)
Waxaan meesha ka madhnayn Suugaan Halgameed sida Gabayo iyo Hal-abuur kale
Xaflada waxaa wacdaro kadhigi doona KOOXDA BIR-JEEX ee (OYSU-SA) kana mida JAALIYADA SOOMAALIDA OGAADEENIYA EE KOONFUR AFRIKA
KOOXDU WAXAY WADAA RIWAAYAD LAMAGAC BAXDAY
DHALINYARADA MAANTANA DHAYROOFBA KUMA JIRO
Waxay kahadlaysaa jiritaanka 5ta Soomaaliyeed iyo xalka loo mari karo midnimada Soomaliwayn (XALKA OGAADEENIYA WAA HELIDA MIDNIMADA SOOMAALIWAYN)
Waxaa Alifay Cabdiraxmaan Siciid
Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee Damiirka leh jecel Gobanimada iyo sharata Soomalainimda markale lagu wargalinyaa inay kasoo qaybgalaan Xalafadaas
Goobta: Mayfair Cultural Centre (hall) 117 9th Avenue Mayfair Johannesburg
Taariikhda: 17-09-2016
Wakhtiga: 06:00 PM—–11:

 

5

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay