Waddanka lagu magacaabo Ethiopia marka laga reebo gaajada & cudurka ka yimaadda nadaafad darada, waxaa kaloo uu caan ku yahay gumaysiga dhaqanka u noqday oo kolba midka fadhiista Addisababa ay qawmiyadaha kala duwan kala kulmaan cadaadis iyo dhul boob. Xukunka boqortooyadii hore ee Abyssiniala odhan jiray waxaa inta badan gadhwadeen u ahaa qawmiyadda Amxaarada iyo Tigreega oo soo raaca.

Haddaba qawmiyadaha sida xad dhaafka ah loo gumaystay waxaa ka mid ah qawmiyadda Oromada. Maadaama ay Oromadu tahay qawmiyadda ugu tirada badan Ethiopiainaga Soomali ahaana aan meelo badan isaga mid nahay, darisna aynu nahay, halganna aynu kula wada jirno isticmaarka EPRDF-ta, waxaa lagama maarmaan ah in aan yaraha iftiimino nolosha bulshada Oromada si aan u fahanno tabtii loo soo dulaystay qawmiyadan.

Qormadan oo ka mid ahaa barnaamijyadii RX ka baxay (Xogwaran) oo halgame Horseed uu si taxana ah u qori jiray ayuu kaga xogwaramayaa qawmiyadda Oromada iyo dhibaatooyinkii ay ka soo mareen gumaysiga Amxaarada.

Qawmiyaddan, waxaan shaki ku jirin inay tahay midda ugu badan waddanka loo yaqaanoEthiopialaakiin lama odhan karo waa kala badh dadweynaha Ethiopia sababtoo ah waa tirakoob khaldan oo gumasyigii Amxaarada uu samaysatay. Marka ay leeyihiin sidaana, waxay tirakoobka Itobiya ugu jira inaga (S.Ogadenya) oo aan Ethiopian ahayn, halganna ugu jira inay ka xoroobaan gumaysigooda iyo Ereteria oo waa hore ka go’day.

Oromadu waxay leedahay magac kale oo la yidhaa (Gaalla), masa jecla in magacaa loogu yeedho sababa badan oo qoraalkan khusaynin awgeed. Tiro ahaan la iskuma raacsana oo ma sugna laakiin waxaa badan inta tidhaa 19-21 Million weeye. Waa qawmiyada la odhan karo waxay ka mid yihiin kuwa ugu badan Geeska Afrika, meesha qoraaga caanka ah ee Oromada Dr Mohamed Hassan uu aaminsan yahay inay ugu horeeyaan qawmiyadaha ugu badan qaarada Afrika.

Qof walba oo ka hadlaya taariikh Oromo iyo qoraa walba oo wax ka qora arintan waxay hoosta ka xariiqaan muddadii u dhaxaysay 1870 ilaa 1900 oo ku beegnayd isticmaarkii labadii Nijaas ee kala ahaa Yohanes iyo Menelik  in qawmiyaddan Oromada dil iyo baabai’in badan loo gaystay oo tiro gaareysa 10 milyan ay hoos u dhaceen. Intii ka soo hadhay gumaadkaana waxaa badidood lagu khasbay waxa afka Oromada loo yaqaan  Gabbar oo macnaheedu yahay inuu beerta uu leeyahay Amxaarka uga shaqeeyo isla markaana beertii uu lahaa iyo dhulkiisii ganaaax laga qaado. Waxaa isugu darsamay mushkiladaha soo socda;

1- Beertii uu lahaa ayuu uga shaqaynayaa taliska Amxaarada sida iyaga oo iska leh, oo waa lagula xisaabtami waana lagu garaaci, mana soo saari karo arabakhi ( oo ay oromadu jeceshahay) iyada oo ay amxaaradu u baahan tahay Daafi.

2- Ganaax ayaa u sii dheer falidda, daalka iyo dibindaabyada kale ee lagu hayo oo lama dib dhici karo sanadka inuu xerada madaxtooyada ee xukuumadda Amxaarada ku soo xereeyo canshuurtii dhulkii uu beertay isagoo hadduu la soo daaho ganaax kale iyo garaac u raacayo.

3- Daafida iyo raashinka ay amxaaradu inta badan cunaan waa inuu gacantiisa ku keeno hadduu damco inuu fasax ka qaato beeridda sanadkaa.

Dhaqanka noocan ah ee lagula kacay ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Oromo ah oo badi u dhintay cuduro iyo tabar dari ka yimid daal iyo nafaqo la’aaan, qaar badanna waxay ku dhinteen dagaalo ay isaga caabinayeen gumaysigan axmaarada ee laynayey.

Qaabab faro badan haddana kala duwan ayaa loola dagaalamyey Oromada. In aynu ogaano tabta uu cadawgeena ula dagaalamay qawmiyadan aynu dariska nahay waa lagama maarmaan, si aan uga feejignaano khayaamada gumaysiga iyo kuwa la bahoobay ee fadhiya Jigjiga.  Waxaa ugu caansanaa khayaamada lagula dagaalamay Oromada kuwan ay ku magacaabeen;

1- Horumarin samafal ah (Devolopment Releif): kaasoo muhiimadda laga leeyahay ay ahayd in dhulkooda lagala wareego, iyada oo la leeyahay iska soo wada xaadiriya deegaanada ay dawladdu ka bixinayso dawada iyo cuntadaba.

2- Olole wax barid (Literacy campaign) : Nidaamkan inta badan muhiimadda ay Amxaaro ka lahayd waxaa u badnaa oo ugu muhimsanaa inay lumiso ama dhaqan rogto afka Oromada iyada oo aaranka soo kacaya iyo jiilka danbeba la bararyo laguna ababinayo luqada iyo taariikhda ay iska leedahay qawmiyaddii xukunka haystay ee Amxaaro qudhunleey. Waxaa kale oo nidaamkan loo yaqaan Amxaarayn (Amharization)  ama Oromo-baabi’in (Deoromozation).

3- Guriyayn ama xaafadayn (Villagization):  Nidaamkan inta badan wuxuu ahaa mid ay xukuumadda gumaysiga ugu talo gashay inay kula dagaalanto halganadii Oromada ama ku burburiso xiriirka ka dhexeeya shacabka oromada iyo dhaqdhaqaaq-yadooda gobonimadoon.

Qawmiyadda Oroma waxay leeyihiin sida soomaalida dhaqan mid ah iyo luqad mid ah. Waxay wadaagaan hab-dhaqan bulshadeed loo yaqaan nidaamka Gadaa. Nidaamkan ayaa lagu dhaqaa shacabka noloshiisa kala duwan. Marka ay timaado arin lug ku leh difaaca dalkooda ama xaajo la xiriirta nolosha waxaa sal u ah nidaamkan oo si dimoqaraadiyad ah ugu fasaxaya qof kasta heerka da’diisu ay gaadhsiisan tahay inuu uga hadlo si cabsi la’aan ah arinmaha laga doodayo.

Laba siyaabood ayaa loo xeeriyaa ragga Oramada ah. Mid wuxuu ku salaysan yahay da’da oo waxaa la yidhaahdaa Hiriwaa oo sideed sideed sano ayuu isku raacayaa oo kala ah;

  1. Iti Mako              8-16 jir
  2. Daballe             16-24 jir
  3. Folle                  24-32 jir
  4. Qondala            32-40 jir
  5. Luba                  40-48 jir

7.Yuba I waa 48-56 jir
8.Yuba II waa 56-64 jir
9.Yuba III waa 64-72 jir
10.Gadamojjii waa 72-80 jir
11.Jaarsa waa 80 iyo wixii ka weyn.

Koox walba oo ka mid ah Hiriwaa-gan wuxuu leeyahay masuuliyad saaran iyo hawlo laga sugayo inuu u fuliyo bulshada marka ay baahideeda timaado. Waxaana ka mid ah masuuliyadaha laga sugayo

1-     Dabale – xoolaha dhaqidooda iyo ilaalintooda.

2-     Folle –  waa dagaalyahanka bulshada difaaceeda u taagan. Waa inay is-abaabulaan, abaanduule iska dhex qabtaan, meela gooni ah ayayna ku noolyihiin.

3-     Qondala – waa ciidan kayd u ah Folle isla markaana ku hawlan inay reer dhisaan oy bartaan nidaamka iyo maamulka.

4-     Lubba – waa heerka hogaaminta. Sideeda sano ee dhexeysa 40-48 jir waxay haynayaan awoodda siyaasadeed, dhismaha iyo doorsahada odayaasha dhaqanka.

Nidaamkan Gadaa oo mid mucaqad ah, ayay isla markaana shacabka Oromada u wada hogaansantahay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay