Go’aan kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada ee Gumaysiga Itoobiya ayaa lagu sheegay inaan dib loo furi karin guud ahaan nidaamkii waxbarashada ee wadanka gaar ahaan Jaamcadaha wadanka oo markoodii horaba aan wax tayo ah lahayn.

Warkan ayaa sheegaya in Gumaysiga oo ka cabsi qaba in hadii ardayda Jaamcadaha wadanka wax kabarata ay dib ugu laabtaan kulliyadihii iyo goobihii ay wax kabaran jireen inay kacdoonka shacabka ee sii xoogaysanaya maalimba maalinta ka damba ay ka qayb-qaadan doonaan ardaydu sidaas darteedna taliska TPLF ay go’aamiyeen inaan lafuri karin Jaamacadaha dalka.

Talaabadan uu Gumaysigu qaaday ayaa kusoo aadaysa xilligii uu bilaabmi lahaa sanad-dugsiyeedka Itoobiya oo ku beegnaa maalinimadii talaadada ahayd ee lasoo dhaafay. Kumaankum arday ah oo wax kabaran jirtay Jaamacadaha wadanka gaar ahaan Gobollada Oromiya iyo Axmaarada ayaa waxbarasho la’aan ay lasoo daristay.

Taliska Woyaanaha oo jaha-wareer siyaasadeed uu lasoo darsay ayaa ku fashilmay xakamaynta kacdoonka shacabka oo gaadhay meel aan wax-kaqabasho lahayn. Waxaa kaloo kooxda TPLF ay aad uga cabsiqabaan in goobaha waxbarashu ay yihiin rugta ugu muhiimsan ee dhalinyaradu ay abaabulka iyo wacyi-galinta ugu badan ay ka helaan sidaas darteedna ay go’aamiyeen inaan lafuri karin Jaamacadaha dalka oo idil.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay