sigadWaxaa xalay laga waraystay Esat Radio Gashaanle Sare Cali Samire Sigad  oo ka warbixiyay meelo badan oo xasaasi ah. Gaashaanle Sigad ayaa u sheegay Esat Radio in uu u adkaysan waayay dhibaatooyinka shucuubta Soomaalida Ogaadenya, Oromada & Axmaarada lagu hayo.

Waxa kaloo uu sheegay in uu ku biiray Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadenya (JWXO) si uu dagaalka lagula jiro gumaysiga Itoobiya uga qaybqaato. Waxa uu ugu danbayntii Gaashanle Sigad ugu baaqay shuucbta kala duwan ee Itoobiya  in ay dhamaantood u midobaan taliskan  25-kii sano ee ugu dabaysay gumaysiga ba’an ku hayay Itoobiya.

Waxa kale oo uu G. Sigad ugu baaqay Ciidamada & Federal Booliska Itoobiya  in ay sidaasa oo kale ka goostaan ooy inta ay goori goor tahay oo ay la saftaan qoomiyadaha ay kasoo jeedaan ee la dagaalamaya taliska TPLF.

Hoos ka dhagayso warka qaybta horena waa lagu sheegayaa waraysiguna waxa u ka bilaabmayaa daqiiqada 25aad.

Share this:

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay