Mudane Cabdiraxman Sheekh Mahdi (Maadeey) ayaa khudbad dhaxalgal ah ka jeediyay kulankii 33aad ee Qay’da Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (Human Rights Council) oo lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Mudane Cabdiraxman oo ku hadlaya magaca Xisbiga nabadda ee Radicalka Ah ee Kala-Guurka Heer-caalami(Non-violent Radical Party Transnational, Transparty) ayuu kusoo bandhigay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan dhibatooyinka banii’aadminimada ka dhanka ah ee Gumaysiga Itoobiya ay ku hayso shucuubta ku hoos dulman.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa sheegay in in kastoo Itoobiya ay qoraal ahaan ay samaysay dastuur federal ah oo ogolaanayaa qowmiyadudu inay samaystaan ismaamul awoodo badan u ogol, haddana ficil ahaan waxay awoodda gacanta ugu jirtaa talis ay ku amar kutaag leeyaan qowmiyadda Tigrayga, kuwaas oo ka gabban inay adeesadaan xoog si ay u xaliyaan khilaafaadka siyaasadeed- taas ooy tusaale u tahay dhacdooyinka isdabajoogga ah ee sanadihii la soo dhaafay dhacayay, oy ugu dambeeyeen waxa Oromia iyo gobolka Amxaarada ka socda, halkaas oo dowladda cabudhin dhiig ku daatay ka gaysatay si cabsi iyo argagixin loogu beero shacabka kacdoonka wada ee xuquuqdiisii la duudsiyay.

Qiyaastii 500 oo qof ayaa lagu dilay Itoobiya tan iyo bishii November ee sanadkii 2015, xiligaas oo kacdoonka ka dhanka ah taliska TPLF uu guud ahaan dalka ka bilaabmay. Taas oo markhaati u ah in taliska Itoobiya mar Walba uu. Diyaar u yahay inuu xoog guracan u adeegsado cabudhinta shacabka.

Mr.Mahdi ayaa sheegay in tacadiyada dhabta ah ee soo gaadhin beesha caalamka, maadama ay dowladda Itoobiya codka xorta. Ayadoo taas ka duulaysaa ay ku gurtaa Jeelasha weriyeyaasha, iyo ciddii ay u dareento mucaarad. Khaasatan, arrintan waxay si xoog badan uga hirgalisay Ogadenia, ayadoo ay adag tahay inay beesha caalamku ogaato waxa halkaas ka jira kadib markii ay kooxda Woyaanuhu cuna-qabatayn dhinac kasta ah kusoo rogeen Ogadenya. Hay’adaha Samafalka iyo saxaafada xorta ah ayaan tagi karin dalka Ogadenya, xataa Laanqayrta Cas oo sharci caalami ah u leh goobaha dagaaladu ka dhacaan. Sidoo kale waxaa adag in gudiyada xaqiiqo raadinta ee Qaramada Midoobay (QM) ay ka hawlgalaan guud ahaan Itoobiya taasoo hor seeday in tacadiyo baahsan uu taliska Woyaanuhu ka gaysto deegaamada ay kacdoonku kajiraan sida Ogadenya, Oromiya iyo gobolka Axmaarada.

Dhinaca kale Mudane Cabdiraxman ayaa uga mahadceliyay QM dadaalka ay ugu jirto sidii cadaadis loogu saari lahaa taliska Woyaanaha inay ogolaansho buuxda siiyaan gudiga xaqiiqo raadinta ee loo magacaabay inay baadhitaan buuxa oo shuruud la’aan ah ku sameeyaan deegaamada ay dhibaatooyinka banii’aadminimada ka dhanka ah ka gaysteen kooxda Woyaanaha. Wuxuu kaloo tilmaamay in talada doiwladda Itoobiye ee leh anagaa guddi baadhis oo gudeed dirayna oo uma baahnin wax aan qabsan karno in la inoo qabto inaanay natiijyo caadil ah iman doonin ayadoo hadda ka hore ay sidan oo kale u horjoogsadeen baadhis caalami ah kadhacda Ogadeniya iyo Sidama,ka dibna ay war been abuur ah u soo saareen. Taas oo fursad u siisay inay tacadiyadoodii sii wataan, dadkii la dulmayna ay xuquuqdooda duudsiyaan.

Haddaba ayadoo la tixgalinayo khiyaamooyinkaas, waxaan soo jeediyay a inay Qaramada Midoobay magacaabaan guddi rasmi ah oo Awoowe buuxda leh oo si dhab ah u baadha dambiyada ka dhacayaa Ogadenia iyo Itoobiya oo idil.

Xisbiga’s Ayaa fursad siiya dadyowga dulman sida Somalida Ogadenia inay Golaha Qaramada Midoobay ee Xuquuqul insaanka Codkooda Ka jeedsadaan Maaday aanay Weli Helin dowlad u hadasha.

Qudbadii oo Af Ingriis ah mareegta hoose ka akhri.

 

 

 

Non-violent Radical Party Transnational Transparty -Oral Intervention Regarding Ethiopian Government Human Rights Violations UNHRC

 

ONA

UN Human rights Hall XX

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay