Ra’iisul-wasaaraha Britian Theresa May ayaa sheegtey in geediga Britain uga baxayso Midowga Yurub uu bilaabanayo sanadka dambe bisha Feberaayo (2aad), sida laga soo xiganayo, guddoomiyaha joogtada ah ee Golaha Midowga Yurub Donald Tusk.

 Shirkii heerkiisu sareeyey ee Midowga Yurub ku yeesheen todobaadkan caasimadda Slovakia Bratislava ayaa Donald Tusk sheegay in isaga iyo Theresa May ay kuwada hadleen magaalada London todobaadkii hore, wada hadalkaas oo uu sheegay in Ra’iisul-wasaaraha Britain ay uga hadashey si furan oo daacad ah, ka bixitaanka Ingriiska ee Midowga Yurub.

Waxay sheegtay xaqiiqdii in aysan macquul ahayn in laga dhaqan galiyo qodobka 50aad ee heshiiskii Lisbon, sanadkan gudihiisa, laakiin dhab ahaantii ay bilaabayaan sanadka danbe bisha Janaayo ilaa Feberaayo 2017.

Britian ayaa cod u qaadey ka bixitaanka Midowga Yurub bishii Juun 2016, waxaana dadka intiisa badan u codeeyeen in laga baxo, taas oo kaliftey in raysalwasaarihii xiligaas uu is casilo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay