Halkan ka dhageyso qudbada ay ka soo jeediyeen dhalinyarada —>> [audio:http://www.ogadennet.com/wp-content/uploads/2011/11/switzerland-1120111.mp3|titles=switzerland-1120111]

Shirka Unta ee xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva. Maalintii shalay ayaa waxaa dhacay xaflad si gaar ah isugu arkayaan heeyadaha aan dowliga aheeyn ee xuquuqda umadahooda dulman ee laga tirada badan yahay u ololeeya. OYSU, Resolve Ogaden Coalition (ROC), Unrepresnted People’s & Nations (UNPO) iyo African Rights (ARM) Monitor ayaa ka mid ahaa heeyadaha sida aadka uga dhex muuqday kulanka gaarka ah warbixino xaqiiqa ahna u siinayay gudiga UNta ee arrimaha Minoritiyada qaabilsan.

Shirka ayaa ugu hadal heeynta badnaa dhibka xad dhaafka ah ee lagu hayo haweenka Soomaalida Ogaadeenya. Gudiga UNta ee Minority Forum ayaa aad ugu dhaga nuglaa kuna faraxsanaa in heeyado ay hogaaminayaan dhalinyaro waalidkood lagu hayo dhib xad dhaaf ah yimaadaan kana qeeyb qaataan shirkan sanadlaha ah ujeedaduna tahay in marka hore dadka dhiku heeysto iyagu u istaagaan in ay xaaladooda wax ka badalaan ka dibna heeyadaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ku cadaadiyaan dowladaha in ay joojiyaan isla markaana ogolaadaan umadaha la cadaadiyo in ay helaan xuquuqdooda nooc ay ahaataba oo ay ka mid tahay xaqa aayo ka talinta.

OYSU ayaa maanta ka mid ah heeyadaha aan dowliga aheeyn ee khudbad shirka loo dhan yahay madasha ka jeedin doona.

la saco waraka shirka UNta

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay