Haweenayd lagu magacaabo Theresa May, Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sheegtay in dowladeedu ay ciidammo dheeraad ah u diri doonto dalka Soomaaliya. May, oo khudbadeedii ugu horraysay ka jeedisay shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (QM), waxay sheegtay in Britain ay tallaabadaasi uga golleedahay dardar gelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Saraakisha Ciidanka ee Britain ayaa waxa ay sheegeen in boqolaalka ciidan ee dheeradka ah ee la qorsheynayo in loodiro Soomaaliya ay qeyb ka tahay gargaarkii dhinaca militariga, siyaasadda iyo bani’aadannimo ee Britain ay ballan qaaday.

Waxay sidoo kale shaacisay in Britain ay qorshenayso in ay qabato shir caalami ah oo diirada lagu saari doono xaaladda soomaaliya sanadka soo socda ee 2017-ka. Waxay intaasi ku dartay in Britain ay ku bixin doonto 20 milyan oo lacagta geniga ah taasi oo lagu maalgelin doono qorshaha dib u celinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

Shirka caalamiga ah ee ay ku baaqday Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May waxa uu noqonayaa shirkii labaad ee caalami ah oo Britain ay u qabato Soomaaliya tan iyo sanaddii 2012-kii.

Ra’iisul Wasaarihii ka horreeyay Theresa May ee xilka baneeyay dhowr bilood ka hor, David Cameron, ayaa 2012-kii London ku qabtay shirkii ugu horreeyey ee caalami ah oo Soomaaliya diiradda lagu saaray oo ay martigelisay Britain.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay