Wadanka Masar ayaa sheegay in ilaa iyo hadda lahelay maydadka 180 qof gaadhaya oo saarnaa dooni siday tahriibayaal oo ku degtay xeebaha dalka Masar. Kooxaha baadi-goobka ayaa sheegay in Jumcihii oo kali ah ay heleen meydadka 64 ruux.

Waxaa la rumeysan yahay in 400 oo qof ay ku qarqameen badda marki ay degtay dooni ay saarnaayeen. Dadkii ka badbaaday doontii ku degtay xeebta Masar Arbacadii ayaa saxaafada u sheegay in boqolaal laga yaabo inay dhinteen.

4 qof oo looga shakisan yahay inay dadka tahriibinayeen ayaa la xidhay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Arrintan ayaa timid kadib markii hay’adda xudduuda ee Midowga Yurub, ay ka digtay in dad badan ay ka soo baxayaan Masar si ay u galaan Yurub.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 10,000 oo qof ay ku dhinteen iyagoo soo maraya badda Mediterranean si ay Yurub u tagaan tan iyo sanadkii 2014.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay