Wararka naga soo gaadhaya gobolka Oromiya gaar ahaan gobolka Arsi ayaa waxay sheegayaan in shacab gadoodsan oo kamid ah Oromiya ay laayeen qaar kamida ciidamada Woyaanaha shacabka ayaa waxay ku dileen dhagaxaan iyo budhadh waxaana kamid ahaa askartan la laaayay sargaal sare oo kamida saraakiisha ciidamada gumaysiga Itoobiya ee gobolka Arsi

Shacabkan gadoodsanaa ayaa waxay bayaan ku dul akhriyeen askartii la laayay ee Gumaysiga Itoobiya, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Gumaysiga Itoobiya, waxaa kaloo balan ku galeen inay u aar gudi doonaan dadkoodii uu gumaysigu laayay ayna ugu aar gudayaaan askartii gumaysiga itoobiya ee laysay shacabkoodii

Gumaysiga Itoobiya ee gabalkiisu dhacay ayaa wuxuu la daalaadhacayaa qalalaaso iyo dagaal meelo badan kaga furan waxayna kooxda TPLF garan la’dahay habkii ay u wajihi lahayd kacdoonka shacabku wadaan ee lagu doonayo in lagu gaadho xoriyadda shacabka Oromiya ayaa waxay ku dagaalamayaan cidiyaha waxayna maalinba maalinta ka danbaysa sii laban laabayaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Gumaysiga Itoobiya.

Waxaa Baraha Bulshada lagusoo yaaciyay sawirada askartii gumaysiga itoobiya oo si xun loo dilay oo wadooyinka gobolka arsi ee Oromiya daadsan  Hadaba Hoos ka Daawo sawirada

ONA

askari-2  askari-3

askari-4    askari-3

askari     askari

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay