Maamulka gabalkiisu dhacay ee TPLF ayaa waxay go’aansadeen in dib loosoo celiyo ciidamadii ka joogay dalal dibada sida Rwanda iyo Somaliya,  kuwaas oo ku joogay magaca Afrikan Union.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu ka heleyay dhaqaale iyo lacagyaw badan ciidamadan, waxaana meeshaas kasoo wajahaysa dhaqaale yari badan.

Xaalada Gumaysiga Itoobiya ayaa qasan mana jiraan waxay ka qaban karaan ciidamadan hadii lasoo celiyo iyo hadii kale ba waayo waxaa qoomiyad qoomiyad u kala baxsan ciidamadan laftigooda ee la rabo in lasoo celiyo wuxuuna dabku gaadhay dhamaan ba ciidanka itoobiya si qoomiyad qoomiyad ah

Waxaa Maal mahan shirar albaabadu u xidhan yihiin uga socdaan magaalada maqale kooxda TPLF waxaana go’aamada ay shirarka kasoo saareen kamida sida aan kor idiin ku sheegnayba dibu soo celinta ciidamada Itoobiya tani waxay qayb ka tahay siyaasada guracan ee Gumaysiga Itoobiya iyo sida uu u garan la’yahay habkii uu u maarayn lahaa kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda Gumaysiga Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Woyaanaha guud ahaan ayaa wuxuu galay khal khal iyo kala shaki dhexdooda ah taasoo aan la garanaynin meesha ay ku biyo shuban doonto mustaqbalka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay