Meel lagu magacaabo Abay-Gorge oo kamid ah Gobolka Axmaarada ayaa lagu qabtay laba nin oo u dhashay wadanka Sudan kuwaas oo ay ku rakib naayeen hubka la isku xidho ee ay inta badan isticmaalaan dadka ismiidaamiya.

Labada nin ee la qabtay ayaa waxaa soo abaabulay sirdoonka TPLF waxayna rabeen inay ku helaan dhaqaale badan dhanka reer galbeedka oo inta badan ay dhaqaale kaga helaan waxay ugu yeedhan argagixiso la dagaalan taas oo aan wax ba jirin. Waxaan shaki ku jirin argagixisada caalamka ugu wayn inay tahay Itoobiya oo xasuuqday boqolaal kun oo shacab Soomaliyeed iyo Itoobiyaan ah.

Dhanka kale labadan nin ee laqabtay ayaa waxay sheegeen inay jiraan kooxo kale oo ayaga lasocday oo magaalooyinka ka kale ee Axmaarada loosoo diray.  Shacabka Axmaarada ayaa ka feejigan shirqoolada Gumaysigu soo maleegayo ee noocan oo kale ah, waxay ahayd todobaad ka hor markii laqabtay dhalinyaro Woyaanuhu soo diray oo rabay inay gubaan goobo ganacsi magaalada Gonder, iyadoo lagu soo bandhigay sawiradooda baraha bulshadu ku kulanto.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay