Wararka nagasoo gaadhaya gobolka axmaarada ayaa waxay sheegayaan inay baxsadeen ciidamo badan oo kamida kuwa gumaysiga itoobiya gaar ahaan waxay ka baxsadeen xero wayn oo ku taala duleedka magaalada Gonder. Ciidamadan ayaa ka baxsaday gaasska 24 iyo 25-aad ee ciidamada Woyaanaha.

Askarta ayaa waxay kasoo horjeed-sadeen xasuuqa lagu hayo shacabkooda waxaa sii badanaya maalinba maalinta ka danbaysa baxsadka askarta Gumaysiga Itoobiya. Askartan ayaa markay baxsadeen waxay gadanayaan qoryaha waxayna dhanka kale kubiirayaan kacdoonka shacabku wado, halka qaarka kale ay nooli ka dhigteen oo ku noqon hayaan dhulkii ay asal ahaan kasoo jeedeen amaba u dhasheen.

Sidoo kale shalay waxaa ka baxsaday magaalada Finote-selam 8 askari oo kamid ah ciidamada Gumaysiga Itoobiya, waxaana ka dabatagay qaar kamid ah ciidanka Wayaanaha, waxayna kasoo qabteen mid kamida askartii baxsatay oo ay si xun u jidh dileen, wuxuu yaalaa askarigan isbitaalka magaalada Finote-selam asagoon nafsaasa ku jirin.

Kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee TPLF ayaa waxay u maaro la’dahay sidii ay u xakamayn lahayd kacdoonka shacabka oo ay usii dheer yihiin khilaaf hadheeyay dhexdooda oo ay ula’yihiin wax xal ah.

 

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay