Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa diiday sharci u ogolaanaya dadkii ku geeriyoodey xubnaha qoyskooda iyo kuwii ka badbaaday weerarkii lagu qaaday dalka Maraykanka September 11 2011 in ay ku dacweyn karaan Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo kuwa weerarka fuliyay badankood ay u dhasheen.

Sharcigan cusub ee Obama uu gaashaanka ku dhuftay oo murun iyo dood badan dhaliyay waxaa meel mariyey Baarlamaanka Maraykanka oo aqlabiyadiisu hadda ay tahay xibiga Jamhuuriga ah ee mucaarid ah oo doonaya inay sharcigan cusub dano siyaasadeed u adeeg sadaan ugana faa’iidystaan doorashada madaxtinimada ee dalka marayka ka dhici doonta bisha November 2016.

Obama ayaa horey u sheegay in sharcigani uu ka hor imaanayo danaha dalka Maraykanka, awoodna u siinayo in Maraykanka qudhooda la dacweyn karo. Ciidamada Maraykanka, diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ayaa kumaankun qof oo rayid ah diley tan iyo sanadkii 2002. Diidmada sharcigan cusub ayaa Obama u isticmaaley VETO oio dastuurku xaq u siinayo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay