Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho ayaa shirkii Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka sheegay maalintii Jimcada dalkiisu aanu haysan waddo kaloo u banaan in ay yeeshaan hubka nukliyeerka ah mooyaane.

Mr. Ho oo kahor hadlaya shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu sii wadayo hormarinta hubka Nukliyeerka, tiro ahaan iyo tayo ahaanba. Warka uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii dalkiisu tijaabiyay Nukliyeerkii 5aad oo ahaa kii ugu awoodda badnaa, kaas oo caalamka ka cadhaysiiyey.

Dalka Maraykanka ayaa muddo dheer diidaayey sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in ay haystaan hubka wax gumaadaa ee Nukliyeerka, Waxaa hadda la aaminsan yahay in ay haytsaan Nukliyeer, laakiin aysan haysan xirfadda lagu yareeyo oo la saaro gantaalo tiiro dheer leh.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay