Maanta oo ay Taariikhdu tahay 25/09/2016 waxaa kulan muhiim isugu yimaaday gudiga fulinta ee jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Finland kulan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhaman ba xubnaha gudiga fulinta ee jaaliyada sidoo kale waxaa kala so qayb galay masuuliyiin jabhadeed oo lagu marti qaatay kulankan gaar ka ah.

Shirkan ayaa waxaa ugu horaynba lagu fur furay sidii caadada inoo ahayd aayadaha quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana intaas kadib shirka la wareegay gudoomiyaha jaaliyada ogadeniya ee wadanka Finland mudane Abdirashiid Olad wuxuuna ka war bixiyay wax qabadkii jaaliyada ee mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa kale oo uu ka war bixiyay waxa u qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay iyo waxa miiska u saaran ee ay rabaan inay qabtaan waxaana gudoonku sheegay inay sii laban laabi doonaan dadaaalkooda ku aadan la dagaalan gumaysiga itoobiya iyo propaganda diisa ku aadan shacabka Ogadeniya.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay mudane Halgame Faysal Daahir oo kamida masuuliyiinta golaha dhexe ee jabhada wadaniga xoraynta Ogadeniya halgame Faysal ayaa wuxu si qoto dheer uga hadlay marxalada gumaysiga itoobiya uu maanta ku sugan yahay ee kala cararka ah wuxuuna sheegay in gumaysiga ay soo wajaheen caqabado waawayn oo uunan maarayn karin kuwaas oo ah qoomiyadihii itoobiya ugu waawaynaa oo kasoo horjeeda nidaamka guracan ee kaligii talisnimada ah ee kooxda Tplf  Halgame faysal ayaa wuxuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisii in maanta ay u tahay fursad shacabka Ogadeniya loona istaago sidii aan u hanan lahayn dhulkeena uu gumaysigu haystay mudada badan.

Waxaa intaas kadib la gudo galay hawlaha gaar ka ah ee jaaliyada waxaana mudo dood socotay kadib la isla meel dhigay qodobo dhawr ah oo hoosta laga xariiqay waxaana kamid ahaa in lala shaqeeyo xidhiidh wanaagsana lala yeesho qoomiyadaha ku kackacsan gumaysiga itoobiya si loosoo dadajiyo dhicitaan taliska gaamuray ee tplf

Shirkan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday gabagabadii is afgarad iyo kor looqaado wax qabadka jaaliyada lana xoojiyo xidhiidhka caalamiga ah iyo kan qoomiyadaha itoobiya ee kasoo horjeeda nidaamka gumaysiga ah ee Itoobiya

ONA/Finland

img-20160925-wa0008   img-20160925-wa0007

img-20160925-wa0006

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay