Waxaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya u la yeeshay Radyo BBN mudane Jamaal Dirye oo ah Madaxa Xafiiska Arrimaha Itoobiya ee Hogaanka Arrimaha Dibada.

Wariye Sadiq  Axmed  ayaa taariikh kooban ka sheegay baaxada dhulka, tirada dadka Ogaadeniya, in u ururka ONLF doorasahadii ugu horaysay ku guulaystay 84% , kadibna ay TPLF samaysatay xisbi maqaar saar ah ONLF lagu qasbay in ay qoriga qaadan  & xasuuqa ay u ay guysteen xukuumada TPLF shacabka Soomalda Ogadeniya.

Mudane Jamaal ayaa waxa u ku bilabaabay waraysigiisa in u ka tirsanaa Barlamaanka Frederal-kaItoobiya, taas oo u kolkii hore modayay in ay shacabka Soomalda Ogadeniya wax la qabsan kari waayeen dalwada Itoobiya, ka dibna u ogaaday in aysan waxba u ogalayn shacbka , ka dibna u go’aansaday in u iskaga tago maadama usan waxba ka qaban karin cadaalad darada, dimoqraadiyad la’aanta & gumaysiga ka jira Ogaadeniya.

Mudane Jamaal ayaa waxa kale oo u sheegay in markii ay u istaagtay shacabka Soomalida Ogaadeniya in ay adoonsi ku nooladaan ama ay hubka qaataan in ay door bideen in ay hubka qaataan ooy karaamadooda iyo xoriyadooda soo ceshadaan.

Waxa kale oo u madne Jamaal sheegay in aan Itoobiya xoog lagu noqon karin oo looga baahanyahay in ay kuwa doona in ay Itoobiya mid sii ahaato lloga fadhiyo in la yimaadan qorshe qeexan oo hufan oo cid walba qancin kara ooyasn marba suurto gala ahayn Itoobiya in ay dib ugu noqoto sidii hore ee lagu soo xukmi jiray.

Waxa u mudane Jamaal sheegay in ay jiraan kumayaal sabab ah oo aan Itoobiya uga tagno oo nagu khasbaya in aanu gooni Itoobiya isaga istaagno islamarkaan aysan jirin hal qodob oon ku doorono Itoobiyaan nimo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay