Shalay oo taariikhdu ahayd 25 September 2016, waxay ahayd in lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada Aqalka sare, sida horey loogu heshiiyey taas oo aan weli dhicin. Aqalka sare ayaa ka koobnaan doona 54 Xildhibaan, waxaana soo sharaxaya Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada halka saxiixa u dambeeya ay leeyihiin Madaaxweynayaasha Dowlad Goboleedka, waxaana nidaam gaar ah lasiiyey Gobolada Hiiraan/Shabeelada Dhexe iyo Somaliland.

Dhanka kale waxaa baaqdey oon weli bilaaban doorashada Aqalka Hoose oo ka kooban 275 Xildhibaan, sida horey loogu heshiiyey waxay ahayd in ay bilaabmato maalintii Sabtidii oo taariikhdu ahayd 24 September, lana soo geba gabeeyo 10-ka Oktoobar 2016. Sida uu ahaa jadwalka xiliga la dhaarinayo Xildhibaanada ayaa ahayd 20-ka Oktoober oo ay ka hadhsantahay 26 maalmood oo keliya.

 Waa markii 2aad ee ay dib u dhacdo doorashada Xildhibaanada oo horey loogu wadey in ay dhacdo ka hor 20 Agoosto oo ahayd xiliga rasmiga ah ee mudada xilka xildhibaanadu ay ku ekeyd.

Doorashada Xildhibaanada waxay ka bixi la’dahay is-qab-qabsi beelaha u dhexeeya, waxaana lagu heshiin la’yahay cidda musharax noqoneysa, kadib markii lagu heshiiyey in ergooyinka ay odoyaashu soo xuleen ay doortaan Xildhibaanada.

Xildhibaanadii hore ayaa si weyn u raadinaya in ay dib ugu soo noqdaan iyagoo ka faa’ideysanaya nidaamka cusub ee ergooyinka, halka beelaha qaarkood ay qabaan in aan laga boodi karin nidaamkii horey wax loogu qaybsan jirey iyada oo la tixgelinaayo musharixiinta, isla markaana aan fursad la siin Xildhibaanada hadda fadhiya.

Jadwalka Doorashada

  1. Aqalka sare 25 September
  2. Aqalka Hoose (Baarlamaanka) 24 September – 10 October
  3. Dhaarinta Xildhibaannada 20 October
  4. Doorashada Shirguddoonka Baarlamaanka 25 October
  5. Doorashada Madaxweynahan 30 October
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay