Qiyaastii 15,000 oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Helsinki caasimada dalka Finland kuwaas oo ka soo horjeeda cunsurinimada, kala sooca dadka iyo gacan ka hadalka, kadib markii horaantii bishan September nin lagu jidhdiley bartamaha magaalada kadibna uu ku geeriyoodey Isbitaalka Helsinki maalmo kadib, dilkaas waxa geystey nin dhalinyaro ah oo xubin ka ahaa ururada cunsuriyiinta ee midigta fog.

 Ciidanka Nabad-Sugida ayaa u qabtey falkan 26 sano jir caan ku ahaa nacaybka ajaanibta, kana tirsanaa Finland’s Resistance Movement.  Ficilada cunsurinimada ayaa kor u kacay kadib qul-qulka qaxootigu markii uu kor u kacay sanadihii u danbeeyey gaar ahaan 2015, waxaana dib loo abaabuley ciidamada ay leeyihiin cunsuriyiintu oo ay kamid yihiin kuwa isugu yeera “xuduudka xira”.

Mudaaharaadka waxaa ka qayb-galay Madaxweynihii hore ee Finland Tarja Halonen, siyaasiyiin caan ah, iyo bulshada qaybhaeeda kala duwan. Sidaas si lamid ah ayaa magaalada Kuopio ee bartamaha Finland waxaa ka dhacay Mudaaharaad ballaadhan oo cunsurinimada lagaga soo horjeedo, waxaana ka qayb-galay raysalwasaaraha Finland Juha Sipila oo markaas ku sugnaa Kuopio.

Mid kamid ah Xisbiyada Xukuumadda soo dhisey ayaa kamid ah kuwa la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Xildhibaano cunsuriyiin ah oo ay soo doortaan ururada xagjirka ah. Finland waxaa sanadkii hore magangelyo weydiistey 32kun oo qof kuwaas oo badankood ka yimaadeen dalka Ciraaq.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay