Xog goor dhawayd kusoo dhacday war-qabadka Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa tibaaxaysa in magaalada Dhabra-Zayd (Debre Zeyit) oo ka tirsan Gobolka Oromiya lagu dilay sadex sarkaal oo kamid ahaa Ciidanka Sirdoonka Woyaanaha.

Warkan ayaa sheegaya in saraakiishan la laayay ay kamid ahaayeen ciidanka Woyaanaha ee dhibaatooyinka kala duwan sida joogtada ah ugu hayay shacabka Oromiya ee ku dhaqan magaalada Dhabra-Zayd. Nimankan la laayay oo dhibkooda shacabku ka joogi waayay ayaa la khaarijiyay kadib markii shacabka kacdoonka wada ay go’ansadeen inay ka takhalusaan Woyaanaha si shacabku dhibkooda uga nabad-galo.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in taliska Woyaanaha uu ciidamo gurmad ah oo aad u tiro badan soo dhoobay magaalada Dhabra-Zayd oo hada go’doon ah. U jeedada ciidanka loosoo dhoobay magaalada ayaa loo aanaynayaa inay qayb ka tahay in xasuuq hor leh lagula kaco shacabka Oromada, laguna baqdin galiyo kacdoon-wadeyaasha.

Dhinaca kale waxaa soo badanaya u gaadhsiga lagu hayo ciidanka Woyaanaha oo noqday harag shabeel iyadoo meelo badan oo wadanka kamid ah lagu toogtay taasoo keentay inay qaar badan oo kamid ah go’aansadeen inay iskaga goostaan ciidanka Woyaanaha.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay