Warar xor-dhac ah oo naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA u xaqiijiyay in rasaas goos goos ah laga maqlayay xaafado kamid ah magaalada Addis Ababa xalay fiidkii.

Warkan ayaa sheegaya in rasaasta ugu badan laga maqlayay meesha lagu magacaabo ARAD-KILO oo ah deegaanka ay ku taalo madaxtooyada Gumaysiga Itoobiya ee wadanka looga arimiyo.

Majiraan wax faah faahin ah oo ku saabsan rasaastan goos gooska ah ee laga maqlayay meelo magaalada kamid ah. waxaa kaloon wali lahaynin cida ay rasaastani dhexmartay iyo ujeedada ka dambaysa. Wararkaanaga dambe ayaan idiinku soo gudbin doonaa wixii kasoo kordhan warkan haduu ilaahay yiraahdo ee ha moogaanina ONA.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay