Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adiss Ababa ee Xarunta Gumaysiga toobiya ayaa waxay sheegayaan in xukuumada gabalkeedu dhacay ee Woyaanaha ay kusoo uruurisay magaalada Addis Ababa ku dhawaad 100 gaadiidka Caafimaadka deg degga ah (Ambulance) oo ka shaqaynayay gobolka axmaarada kuwaas oo soo guraayay dhaawacyada soo gaadha dadka rayad ah Ambulance-yadan ayaa waxaa amar lagu siiyay inaysan bixi karin oo ayna soo qaadi karin wax dhaawac ah.

Wali waxaa ka socda gobolka axmaarada xasuuq ka dhan ah dadka shacabka aan waxba galabsan waxaa mararka qaar dhacaya iska hor imaad fool ka fool ah oo u dhaxeeya dad shacabka ah iyo ciidamada Gumaysiga Itoobiya, waxaa adag in laga helo warar buuxa maadaama ciidamada Woyaanaha ay mar hawada ka bixiyaan khadka internetka iyo kan telefonkaba.

Sidii aan wararkaanagiii hore idiin kusoo gudbinay waxaa buuxsamay Isbitaaladii magaalooyinka axmaarada waxaana gabaabsi noqtay dawooyinkii iyo agabkii Isbitaalka, waxaa loosoo qaadi jiray magaalada Addis Ababa dhaaawacyada sii dar daran taas oo ay hada is hortaagtay xukuumada gabalkeedu dhacay ee wayaaanaha.

Waxaa shalay loo diiday in magalada gonder laga qaado dhaawacyo aad u darraa kuwaas oo sawiraantoodu nasoo gaadheen waxaana loo sheegay inayna jirin wax Ambulance ah oo qaadi karta dhaawac ama ka imaan karta Addis Ababa. Hoos ka daawo sawirada Dhaawicii maanta Lasoo celiyay.

ONA/Adiss Ababa

 

14463751_1108332732590038_559905821_n    14445755_1108332719256706_1263671661_n

14483603_1108332712590040_1883247380_n

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay