Aniga oo ah muwaadin  ku sugan Gudaha Wadanka Ogadenia waxaan Saaka sitoos ah iyo si dadban  Shacabka Ogadenia   ee k u Dhaqan magaalo kamid  ah Dagmada Dhagaxbuur  u waydiiyay  Su’aasha ah “Seed u Aragtaan Burburka iyo Mudaharaadka ka Socda Ethiopia”

Oday waaleey ah oo kamid ahaa  Dadkii nasiibka u helay inay Su’aashu  soo gaadho ayaa  waxaa uu yidhi”Adeer Dhariga marka Dab badan  lagu shido waxaa laga  sugaa  waa  inuu aad u karo kadibna  ujeedkii laga lahaa  Lagaadho”hada Qolooyin  aanu uduceynay ayaa  Dhariga sifiican  u xaabaayay  ujeedkiina  waan ka war sugeynaa  wali lamagaadhin.

Waxaan tahay goob kale ooy ku suganyihiin dhalinyaro iyo odayaal,waxaan ku dhaxtuuray Su’aash ah “Shacabka Ogadenia Suura galmatahay inay  Mudaharaadka ka Qeybqaataan”

Ugu horeyn dhinacyada ayaa sitaxadarle laysaga eegay kadib nin walba  iyo Aragtidii ayaa  looga jawaabay su’aashii. waxaan  in badan  dareemayay  hadii qof qof iyo meel qarsoon Su’aasha  lagu waydiin lahaa inay si ka  hufan  siday hada uga jawaabeen  uga  jawaabi lahaayeen, balse  waxaa iila  Qosol badnaa  mid  kamid ah Ragaasi ayaa   waxay ahayd  jawaabtiisuu “Inagu  Dhanka  Xabada  ayaynu ku fiicanahay ee Mudaharaadyada iyo waxaas Ethiopia-yada  Sare ayaa inagag Fiican”

Isku soo duub oo waxaa Gudaha Ogadenia ka jira Guux aad badan iyo dhiiranaan ka badan intii hore.

img-20160926-wa0002 img-20160926-wa0003 img-20160926-wa0004 img-20160926-wa0005

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay