Wararka naga soo gaadhaya magaalada jigijga ayaa waxay sheegayaan in gumaysiga Itoobiya iyo gacan yarayaashiisu ay qorshay nayaan mudaaharaad lagu taageerayo kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee tplf waxaa dhamaan qaybaha bulshada xaafadaha iyo waliba dhamaan shaqaala hoosaad yada xafiisyada loogu hanjabay in cidii kasoo qayb qaadan wayda mudaaharaadkan ay  mudan doonto xabsi sidoo kale waxaa ayagana lagu amray kuwa haysta shatiyada ganacsiga inay kasoo qayb galaan haday kasoo qayab gali waayaana lagala laaban hayo shatiyada ganacsiga sidoo kale waxaa lagu amray inay lacago bixiyaan.

Mudada uu socdo mudaaharaadkan ayaa waxaa shacabka loogu hanjabay inaan la furi karin wax meherad ah sidoo kale gaadiidka iyo isu socodka magaalada ayaa la sheegay cidii lagu arko inay  mudan doonto ciqaab adag shacabka Ogadeniya ayaa waxay ku jiraan marxalad adag oo ay ka cabaadayaan dhibaatada haysata ee uu ku hayo gumaysiga itoobiya waxaana usii dheer bahdilaad lagu hayo cuqaasha iyo wax garadka Ogadeniya.

Kooxda gabalkeedu sii  dhacayo  ayaa waxay rabaan inay colaad ka dhex abuuraan bulshada kala duwan ee kasoo horjeedo xukunka dhiigyo cabka ah ee tplf  waxayna adeegsan haysaa kooxo kala duwan oo jaajuusyo ah kuwaas oo ku kala  nool gudaha iyo dibada wadanka waxaa maalmihii lasoo dhaafay hanjabaado noocan oo kale ah loogu hanjabay dad wadamadan qurbaha ku nool  in hadii ay mudaaharaadada ay ka qayb qaadan waayaan la dhibaatayn doono qoysas kooda gudaha wadanka ku nool.

Shacabka Ogadeniya ayaa waxay ku jiraa mudo aad u badan cadaadis iyo dhibaato uu ku hayo gumaysiga Itoobiya taasoo isugu jirta dil xadhig kufsi iyo barakicin lagu hayo dadka shacab ka ah waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu ku dul qaado shacabka Ogadeniya gumaysiga.

ONA/jigjiga

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay