Wararka naga soo gaadhaya Degmada Shaygoosh ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaal ciidanka gumaysiga dharbaaxo lagu gaadhsiiyay oo kadhacay deegaan magaalada udhaw, warkan oo aan kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ee aagaas ayaa tilmaamaya in dagaalkan lagu dilay saraakiil katirsanaa ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee dabar gaynta shacabka Somaalida Ogadenia ujooga wadanka.

Sida warka aan kuhelay ciidanka qalabka sida ee xoraynta Ogadenia ayaa weerar kuqaaday xero ciidan oo Tuulada Hadha ay ku lahaayeen wayaanuhu waxaana lasheegay in goobta lagaga dilay 5 kamid ah askarta Gumaysiga halka 6 kalana lagaadh siiyay dhaawacyo kala duwan.

Ciidanka xoraynta Ogadenia ee hubka usida xoraynta dhulka Ogadenia ayaa nidar kumaray in ay dagaal kuqaadayaan goob kasta oo ay kusugan yihiin ciidanka wayaanaha ee dulmiga kujooga ciida Ogadenia.

 

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay