Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in shalay uu ka dhacay magaalada Banaanbax lagaga soo horjeedo shucuubta kacdoonka ka dhanka ah Woyaanaha ka wada guud ahaan Itoobiya.

Banaanbaxan oo lagu qasbay in shacabka Somalida Ogadenya ee ku dhaqan magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda ay ka qaybgalaan ayaa kamid ah cadaadiskii iyo dhibaatadii joogtada ahayd ee shacabka Somalida Ogadenya uu ku jiray 25-kii sanee lasoo dhaafay.

Mamulka magac-uyaalka ah ee Woyaanaha uga wakiilka ah xasuuqa iyo cabudhinta shacabka Somalida Ogadenya ayaa amar ku bixiyay in dhamaan meheradaha iyo adeegyada kala duwan ee shacabku uu ku lahaa magaalada Jigjiga la xidho si banaanbaxa looga qaybgalo.

Shacabka Somalida Ogadenya ayaa waxaa si gaar ah loogu hayaa bahdil iyo sumcad xumo aan geed loogu soo gabanaynin taasoo ladoonayo in karaamadii shacabku lahaa la gaadhsiiyo heer aan kasoo waaqsi lahayn iyadoo lagu qasbayo dhaqamo uusan shacabku marnaba yeeleen haduusan Gumaysigu badin xaalada maanta lagu jiro oo gaadhsiiyay bulshada Somalida Ogadenya heerkii abid ugu hoosaysay.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay