Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Go’aan-ka-gaaarida Goobta lagu Qabanayo Doorashooyinka Xildhibaannada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay tahay mid Dowladda FS u taalla.

Guddiga Doorashadda Dadbanna looga bahan yahay inay wada-tashi la yeeshaan Isimada ugu jira gobolladan odayaasha 135-ta, dabadeedna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya natiijada wadatashiga kasoo baxda ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee gobolladaas.

RW Xukuumadda Somalia ayaa ku booriyay Guddiga Doorashooyinka in ay Wada-tashi la yeeshaan Odayaasha-dhaqanka ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ugu jira 135-ta oday uguna tagaan meel kasta oo ay joogaan, isla markaana ay Dowladda Federaalka ah u soo Gudbiyaan Natiijada kasoo baxda wada-tashigaas sidii horay loogu heshiiyay.

Ugu dabmeyntii, Hadalka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kasoo Hor-jeestay go’aanka guddiga Doorashada ee arrintan ku saabsan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay