Qoraalkaygu maanta wuxuu ka dhiganyahay waxaad ogtahay ma kuu sheegaa, waxaan hubaa inaad la wada socotaan xaalka ay ku suganyihiin Guumaystayaashii kuus kuusnaa eeTigreegu. Waxaa ku dul habsatay Balaayadii oo gaaxatay waxayna garan la’yihiin meel ay wax ka qabtaan oo waa sidii Ruux Adhigii uu horayay kusoo buqday oo kale. Haday isa sii dhariijiyaan u daran, haday cararaana u daran, waa laba kadeed oo lugta isku martay siyaasad ay wax ku kala hagaana waatay balaayo ka qaadaan inaan laga sugaynin. Warkii oo kooban Mowjadaha uu Woyaane ku dhex hafanayo waa mid in mudo ah la sugayay waxaana aan saadaalinayaa inuu saaranyahay Doonta geerida ee u kala gooshta Libya iyo Talyaaniga oo kale.

Waxaa Asbuucan lagu arkayay baraha bulshada Kooxo yar oo ay cabsi galisay canaantii Cabdi Ilay iyo calaacalkii laga daawaday shaashadiisa Qudhunwada. Cabdi Ubo ayaa waayahan dambe ku mashquulsanaa inuu kooxo Qurbajoog ah u tababaro dabadhilifnimada laakiin muuna helin wax rasmi ah oo aflaxay, markii laga reebo shaqsiyaad danaystayaal ah oo leh qawda maqashii waxna ha u qaban. Sida dad badan ay ogyihiin qurbaha waxaa ku badan xanuunka casriga ah ee loo yaqaano Buufiska. Waxaa kale oo ku badan Rag Bustahoodii dibada loo dhigay calashaan islaantii baa eriday! Waxaa kale oo jira Dumar iyagu qurbaha ku wareeray oo ay ka hortimid. Dadkaas waxaa la odhan karaa waa kuwii Jigjiga loogu abaal sheegtay inay tagaan oo iyagoon dhag la qabto lahayn isku shubay. Taa badalkeeda waxay qaateen inay safka cadowga galaan oy haday wax kale awoodi waayaan ay baroorta ku caawiyaan. Ceeb waxaa ugu filan inay Dalkoodii booqashadiisa dad kale u daba fadhiistaan!

Kooxda Caqliga laga xaday ee aan faaladooda ku gude jiro hadaad ila daawateen waxay u muuqdeen dad aan soo tashanin isla markaana aan aqoon ulahayn qaabka loo mudaaharaado. Ma arkayseen midba meel buu is qotomiyay markaasuu waqtigii kaga dhamaaday hebelow dib isu taag iyo heblaayooy horay usoo istaag iyo safka toosiya. Sidoo kale wayba iska qoslayaan oo wax murugo ahi kama muuqato. Xaalkoodu wuxuu iska ahaa Cabdiyow mana aragtaa! Kuwaas iyo hadii la arko kuwo lamid ah waxba kuma soo kordhin karaan maamulka sii dumaya ee TPLF isugu soo hadhay. Waxaan soo gudbinayaa aragtida odhanaysa, waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa shaqsiyaadka soo abaabulaya mudaaharaad kusheega loona arkaa inay la Dambi yihiin Cabdi Ilay

Waxaa jiray Madaxwayne la odhan jiray Samuel Do oo xukumi jiray Dalka Liberia. Dagaal Qadhaadh kadib Mucaaradkii ayaa gacanta ku dhigay wayna jarjareen, balse wuxuu ka tagay hadal taariikhda galay oo ahaa “ Madaxwayne kasta oo Afrikaan ah sidaasaa u dambaysa” Taliska tigreega iyo Cabdi Ubbo ayaa dariiqaas halista ah laga kari la’yahay! Ninkii aad wax badan maqasheen ee ahaa Fircoon ee ilaahay awoodiisa dhinaca iska laalaadiyay, waxaa dusha looga tuuray eedayn fara badan, balse waxaa sidoo kale la eedeeyay Tolkii maadaama ay xumaantii ku adeeceen. Aan soo qaato hal aayad oo arinkaas cadeynaysa waana Aayada 54,aad-Suuratu Zukhruf فاستخف قومه فاطاعوه انهم كانو قوما فاسقين
Fircoon wuxuu dhacsaday ( bililiqaystay maskaxdii Reer Tolkii wayna adeeceen, waxayna noqdeen reer daacadii ilaahay ka baxay! Ujeedkaygu waa inaad ila fahantaan in kooxaha Qurbajoogta ah ee cabdi iyo Tigreega ku raacay xumaanta iyo gumaadka shacabka inay yihiin eedaysanayaal. Aakhiro iyo Aduun toona ma heli doonaan wax cudur daar ah ee sidaa la socda markii laga reebo koodii kasoo laabta gafkaas!

Gabagabadii iyo gunaanadkii isku soo wada xaabiyoo Umada soomaalida Ogadenya oo qarniyo usoo dagaalamayay siday itoobiya uga go’i lahaayeen ayay kooxdani ku furtay Albaab ceebeed cusub!

Xaaji M/Rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay