War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhay magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in ay Wayaanuhu rarteen hantidii taalay Bangigii Addis Ababa ugu waynaa.

Warakan ayaa wuxuu intaas ku darayaa in hanti badan lagu raray diyaaradaha kaargo ga ah oo Maqale lageeyay.

Baryahan dambe ayaa waxaa sii kordhaysay is aamin la’aanta ka dhex taagan taliska wakhtigiisii dhamaaday ee TPLF.

Waxaa xusid mudan in aan hadda ka hor idiin soo gudbinay in Arkifiyadii ugu waynayd ee Kompiyutarada Sirdoonka Woyaanaha laga raray magaalada Addis Ababa xaruntii ay ku lahaayeen oo lageeyay magaalada Maqale ee gobolka Tigrega.

Siyaasiyiinta Gumaysiga Itoobiya ayaa bilihii aan soo dhaafnay mashquul ku ahaa sidii ay u uruursan lahaayeen wixii hanti kataalay gudaha wadanka iyagoo xaasaskoodiina uqixiyay wadamo kale si aan loo bartilmaameedsanin burburka kadib.

 

Kala soco wararka kasoo kordha ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay