Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay halkaas iskaga baxsadeen suxufiyiin caan ahaa oo guud ahaan gayiga ay TPLF maamusho lagayaqaanay, Sida aan xogta kuhelayno suxufiyiinta baxsaday waxaa kamid ahaa madixii Suxufiyiinta Itoobiya waxayna suxufiyiintu isu dhiibeen wadanka Maraykanka.

Ameha Fessha iyo Libanos yohaness oo saxaafada kula hadlay wadanka Maraykanka ayaa sheegay in aysan kulaaban doonin wadankii Itoobiya iyagoo sheegay in ay u adkaysan waayeen dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee ciidanka amaanka ee gumaysiga Itoobiya ay ku hayaan shacabka aan dambiga lahayn.

Suxufiyiintan ayaa lasheegay in ay kashaqayn jireen TV yo caan ah oo lagu kala magacaabo Mass Media Agency iyo State-run News Agency waxayna suxufiyiin tanu ahaayeen kuwo shaqo ujoogay wadanka USA waxayna wariyayaashu sheegeen in ay isu dhiibeen wadanka Maraykanka.

Tirada suxufiyiinta ah ee sanadkan Itoobiya ka goostay ayaa maraysa 24 suxufi waxayna arintaasu cadayn utahay kala yaaca iyo isku daadashada xukuumada wayaanaha, sida aan lawada socono waxaa bilihii ugu dambeeyay wadanka Itoobiya kabaxsaday siyaasiyiin, suxufiyiin, ciyaartooy, duuliyayaal iyo waliba dad caan ah oo kale.

Dhawaan unbay ahayd markii madixii TVga dowlada uu isu dhiibay wadanka Norway isagoo sheegay in ay naftiisu halis tahay hadii uu kulaabto wadanka Itoobiya isagoo xusay in guud ahaan wadanka ay kajirto xasuuq shacabka lagu hayo.

Warbixintan ugu dambaysay ayaa lagu sheegay in ay Itoobiya tahay wadanka ugu horeeya marka la eego wadamada ay suxufiyuunta ka qaxaan waxaana arintaas sabab u ah caga juglaynta iyo xoriyada hadalka oo aan kajirin wadanka Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay