Nabad-sugida dalka Germany ayaa baadhitaan ku wada weerar bambaano oo lagu qaaday Masjid kuyaala magaalada Dresden iyo xarun ay ku shiri lahaayeen Jaaliyadda Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Germany.

Qaraxa 1aad ayaa lala beegsaday mid kamid ah Masaajida ugu waaweyn ee ku yaala magaalada Dresden, waxaana xigay qarax 2aad oo ka dhacay xarunta shirarka lagu qabto ee magaaladaasi oo la qorshaynayay inuu ka furmo shirweynaha Jaaliyada Muslimiinta ee dalka Germany.

sida ay wararku sheegayaan labadan qarax ee magaalada Dresden ka dhacan ayaan wax khasaare naf ah gaysanay marka laga tago khasaaraha maadiga ah ee ku saabsan burburka iyo cidhiidhiga lasoo darsay Muslimiinta magaaladan ku dhaqan ee ku xidhnaa Masjidkan lagubay.

Maamulka magaalada Dresden oo weeraradan ka hadlay ayaa sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay sare usii kacayeen weerarada lala beegsanayo goobaha lagu cibaadeysto, waxayna sheegeen inay ku dadaali doonaan inay ka hortagaan falalka noocaan ah iyo sidii loo soo qaban lahaa kooxaha soo abaabulay weeraradii ugu danbeeyey.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay