Sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay in hanaanka doorashada ee wadanka Soomaaliya ay siyaasiyiinta ku hayaan fargelin.

Micheal Keating oo warbixin siinayay Golaha Amaanka ee QM ayaa waxa uu sheegay inuu qabo cabsi ah in doorashada Somalia ee lagu waday inay dhacdo bisha soo socota mar kale haddana dib loo dhigo. QM ayaa niyad jab ka muujisay dib u dhaca doorashooyadaasi madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in doorashadu u dhici doonto si “habsan oo hufan”.

“Dib u dhacan cusub ee haatan yimid wuxuu dhalinaya cabsi laga qabo arimo dhawr ah. Bal aan laba keliyah uun magacaabo: waa in hannaankii la siyaasadeeyay iyo in ay suurtogal tahay in dib u dhacani hadana keeni karo dib u dhacyo kale” ayuu yidhi Keating oo la hadlayey Golaha Ammaanka ee QM.

Isniintii ayaa saraakiisha guddida doorashooyinku ka sheegeen magaalada Muqdisho, in ay doonayaan in ay dib ugu riixaan doorashooyinka bisha November halkii laga filayay inay qabsoomaan Oktoobar sababo nabad galiyo iyo caqabado maamul oo jira awgood.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay