Sida ay wararku sheegayaan dagaalka loogu jiro qabsashada bariga magaalada Xalab waxaa uu magaaladaas ka dhigay mid ka liidata kawaan xoolaha lagu qalo, ayuu sheegay xoghayaha guud ee QM, ban Ki_Moon.

Mid kamid ah isbitaalladii ku sii hadhay magaalada ayaa laduqeeyay, sidaas awgeed dhakhaatiir yar iyo daawooyin aad u yar ayaa ku hadhay magaalada. Sida ay sheegtay hay’ada UNICEF ee qaabilsan daryeelka dhalaanka, oo ku warramaysa in caruur dhaawacoodu halis ahaa looga tegayo inay dhintaan.

Ugu yaraan 96 carruur ah ayaa ladilay laga soo bilaabo maalintii Jumcihii oo keliya, in ka badan 200-na waa la dhaawacay. Naxdintooda iyo dhibaatadoodu waa mid aad u weyn, ayay sheegtay UNICEF, oo carruurtaas ku tilmaantay inay ku dhex xanniban yihiin naar hol-caysa.

Dhalaanka reer Suuriya dhibaato ba’an ayay ku soo jireen shantii sano ee dagaalku ka socday dalka, laakiin saxariirtooda bariga magaalada Xalab waa tii ugu xumayd, ayay tiri UNICEF.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay