Itoobiya iyo maraykanku oo dood waji ka waji ah ku yeeshay Magaalada New York taariikhdu markay ahayd Semtember 21 2016, kasoo garab socday kulankii Qaramada Midoobay (QM) waxaana matalayay dhinaca gumaysiga Itoobiya Haile Mariam Desalegn halka ay dhinac kale ka socotay Kaaliyaha Xogyaha Maraykan Linda Thomes Greanfield.

Kulankan iyo doodan ma ahayn mid ah sidii looga bartay dawlada Maraykanka taasoo ahaan jirtay in lagu amaano Gumaysiga Itoobiya ee mid ka duwan tii hore waxaana laga doodayay xaalada qasan ee ka jirta gudaha wadanka Itoobiya taasoo koooxda TPLF iskudayaysay inay qariso waligeedba, shacab waynaha Itoobiya ee ku hoos jira xukunka dhiigyacab ka ah ee TPLF ay kasoo horjeedaan nidaamkooda bahalnimo ee ay ku hayaan shacabka.

Dawlada maraykan waxay qorshe u samaysay xaalada qasan ee gumaysiga Itoobiya waxayna ka walaacsan tahay xaalada kasii daraysa maalinba maalinta ka danbaysa iyo waliba daganaansho la’aanta kasoo korodhay gobolada Amhara iyo Oromiya.

Mrs Thomes Greanfield ayaa waxay cambaaraysay sida ay dawlada Itoobiya ula dhaqantay  mudaaharaad wadayaashii sida nabada ah u mudaaharaadayay ee kasoo horjeeday gumaysiga Itoobiya kuwaasoo ahaa qul qulatooyin socda mudo ka badan halsano waxayna kula talisay kuna dhiirigalisay kooxda gabalkeedu dhacay ee TPLF inay wadahadalo la furaan mucaaradka si loo xaliyo caqabadaha taagan loogana gudbo maraxalada qalafsan ee lagu jiro maanta.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay