Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Tigree ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay halkaas kadhaceen dagaalo khadhaadh oo ciidanka gumaysiga lagu wiiqay, dagaaladan oo kadhacay galbeedka Gobolka Tigree waxay u dhaxeeyaan jabhada TPDM ee kadagaalanta Gobolka Tigree iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Sida warku sheegayo dagaaladan ayaa bilowday kadib markay ciidanka Jabhada TPDM weeraro qorshaysan kuqaadeen ciidamada gumaysiga ee kusugan galbeedka Tigrey waxaana weerarkan lagu sheegay kii abid ugu waynaa ee ciidanka Jabhada TPDM ay kuqaadaan kuwa gumaysiga wayaanaha.

Ciidanka weerarka qaaday ee TPDM ayaa lasheegayaa in ay usuurta gashay in ay cagta mariyaan dhamaan fadhiisimadii ciidanka gumaysiga ee aagaas waxayna ciidankii wayaanuhu noqdeen wax bakhtiya, wax dhaawacma iyo waliba wax firxada oo iyagoo oon iyo haraad lakala lumay meelaha laga uruuriyay.

Sidoo kale qaar kamid ah ciidankii gumaysiga Itoobiya ee dagaalka galay ayaa isu dhiibay jabhada TPDM oo u dagaalanta xoraynta Gobolka Tigree waxaana lasheegayaa in ay jabhadu xeryaheeda kusoo dhawaysay ciidamo badan oo kuwii gumaysiga Itoobiya ah.

Dhibaca kale tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay ciidanka gumaysiga ayaa lasheegayaa in ay aad ubadan tahay waxaana la xaqiijinayaa in uusan jirin wax bad qaba oo ciidankii wayaanaha ee dagaalka galay ah.

Firxadka ciidamada gumaysiga ayaa lasheegayaa in uu gaadhay wadamada dariska la ah Gobolka Tigrey ee Sudan iyo Eritrea waxaana lasheegayaa in ay isu dhiibeen ciidamada dowladahaa kadib markay kabaqeen in a kusoo laabtaan dhinaca wayaanaha iyagoo ka cabsi qaba in lalaayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay