Wasiirka arimaha dibada ee Gumaysiga Itoobiya Tedros Adhonom oo ahaa  musharax u tartamaya Agaasimaha guud ee hayada caalamiga ah ee World Health Organation marka magaceed lasoo gaabiyana loo yaqaano WHO.

Waxaa jagadan kula tartamayay Woyaane Adhanom 5 xubnood oo ka socda wadamada ay kamid yihiin France, UK, Pakistan, Hungary, Italy iyo Northern Ireland. Adhanom ayaa asagu ka huleelay wuxuuna ku guul daraystay inuu madax ka noqdo hay’ayadan caalamiga ah ee World Health Organization.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Gumaysiga Itoobiya Tedros Adhonan ayaa guul darida lasoo daristay sabab looga dhigay qodobo dhawr ah, waxaana kamid ahaa inuuna shaqadan wayn khibrad ku filan u lahayn, inuusan ahayn shaqsi aqoonteeda iyo xirfadeeda leh oo ku egyahay oo kaliga title ka dhagtarnimada ee uu xambaarsan yahay.

Waxaa kalookamid ah sababaha ugu waawayn ee loogu diiday inuu xilkan caalamiga ah qabto eedaymo ku saabsan inuu sitoos ah iyo si dadban ba uga qayb qaatay xasuuqa kumanaan kamid ah shacabka ku hoos jira xukuumada dhiigyacab ka ah ee TPLF, waxaana tusaale loosoo qaatay gobolada Oromiya, Amhara iyo Ogaden.14485031_10207272085146731_5725904688329269976_n

Sidoo kale waxaa lagu wargaliyay inuu ku eedaysan yahay inuu galay danbiyo dil, dhac, kufsi iyo boob hanti shacabku leeyahay in uu ku tagri falay. Taliska TPLF ee ninkan uu kamidka yahay ayaa laga dacweeyay goobo badan oo dunida kamida, waxayna isugu soo arureen siyaasadoodii been iyo borobagando caalamka laga gado oo aan sal iyo raad toona lahayn taasoo hadana taala meel cidla ah oo banaaan.

Tedros Adhonan iyo dhamaan xukuumadiisa ayaa faraha kula jira danbiyo dagaal oo caalami ah kuwaas oo laga xisaabin doono wakhti dhaw haduu ilaahay yidhaahdo.

 

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay