War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’ada caalamiga ah ee USAid ayaa lagu sheegay in ay macaluul ba’an kataagan tahay qaar kamid ah Gobolada wadanka Itoobiya, Sida warka lagu sheegay 6 Gobol oo kamid ah Gobolada Itoobiya ayay soo faad saartay macaluul aad badan.

Sida ay Hay’ada US Aid sheegtay sagaalkun iyo lix boqol (9600) oo dumar iyo ciyaal ah ayaa la ildaran macaluusha 20 kun oo kalana waxay abaaruhu kuyeesheen saamayn lixaad leh.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa iyadu mashquul ku ah sidii ay mudo usii jiri lahayd mana jiro wax kaalma ah oo ay gaadhsiiyeen Gobolada ay abaaruhu saameeyeen, sidoo kale majirto wax hay’ado ama deeq bixiyayaal ah oo loo ogolyahay guud ahaan Itoobiya waana arinta kaliftay in ay macaluushu heerkaas gaadho.

Xukuumada kali taliska ah ee wayaanaha ayaa kudooda in ay wadanka hor umar gaadhsiiyeen mudadii ay talada wadanka xooga kuhaysteen waxayna dunida maqashiiyaan in ay wadanka kadhigeen wadan uu dhaqaalihiisu dhex dhexaad yahay kaas oo aan u baahnayn wax kaalmo bini’aadam ah.

Sheegashada xukuumada TPLF ayaa la ogaaday in aysan waxba kajirin kadib markay dunidu aragtay dad badan oo kutabaalaysan gulaha wadanka Itoobiya kuwaas oo u baahan cuno iyo biyo waxayna beesha caalamku ku wareertay waxa keenay beenta intaas dhan ee xukuumada wayaanuhu sheegto.

Dhinaca wax barashada iyo caafimaadka ayaa la ogaaday in ay Itoobiya tahay wadanka ugu liita wadamada Africa waxaana jira malaayiin Itoobiyaan ah oo aan helin wax caafimaad iyo wax barasho ah toona.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay