Wararka Haatan nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in u baxsadeen dhanka wadanka Eritrea 120 askari oo kamida ciidamda Itoobiya kuwaasoo ka gudbay xuduuda u dhaxaysa labada wadan ee Itoobiya iyo Eritrea ciidamadan ayaa  waxay wateen qalab iyo saanad ciidan oo dhamays tiran waxayna ula galeen wadanka Eritrea sida warar kaanagii hore idiin kusoo gudbinay ba waxaa maal mahan ka socda dagaal adag oo u dhaxeeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhada TPDM ee ka dagaalanta gobolka Tigrayga.

Ciidamadan ayaa waxaa la geeyay xarun wayn oo kutaala xuduuda ay wadaagaan labada dal oo ah dhinaca Eritrea waxaana horay u joogay goobtaas ciidamo badan oo ka tirsanaa jabhada Ginbot 7 iyo OLF ciidankan soo baxsaday ayaa isugu jiray sida la xaqiijiyay qoomiyadaha oromada iyo axmaarada.

Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa soo wajahay kala carar iyo baxsad badan waxaana maalinba maalinta ka danbaysa sii badan haya goosashada ciidamada itoobiya oo noqotay sida tusbax dabada laga furay oo kale ma jiraan wax ka hadlay dhinaca gumaysiga Itoobiya goosashada ciidamadan Itoobiya.

wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay