Shalay oo ay taariikhdu ahayd 30/10/2016 ayaa waxaa kal fadhiga baarlamanka dalka Sweden ee loo yaqaano Question and Answer lagaga hadlay xaalada xuquuqda aadanaha Ee ka jirta dalka Itoobiya.

Mr. Anders Österberg oo kamida xisbiga Social Democratic Party ayaa wuxu ka hadlay xaalada kacdoon ee hada ka socota gudaha wadanka Itoobiya sidoo kale wuxuu sheegay sida ay ugu tunteen xuquuqda aadanaha gumaysiga itoobiya wuxuuna soo qaatay kacdoonka hada ka socda gudaha wadanka Itoobiya ee  lagu diiday yahay nidaamka dhiig miirad ka ah ee TPLF .

 

Mr. Anders Österberg oo sidoo kale kamida Foreign Affairs Committee ayaa  waxa uu isdabmariyay gacmihisa asagoo muujiyay caalamadii uu muujiyay Fayisa Lalisa oradyahankii caanka noqday ee oromada taas oo ah inuu muujiyay inuu ka xun yahay dilka xasuuqa lagu hayo shacabkiisa oo si nabad ah u mudaaharaadayay sidoo kale orad yahanka  mar la waraystay ayaa wuxuu sheegay in la dilayo hadii uu ku noqdo wadankiisii.

waxaa sidoo kale horay uga hadlay qaar badan oo kamida baarlamanka wadanka Sweden xaalada Gumaysiga Itoobiya xasuuqa, xadhiga iyo barakicinta ay ciidamada itoobiya ku hayaan shucuubaha kala duwan ee ku hoos jira xukuumada gumaysiga itoobiya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay