Xukuumada Gumaysiga Itoobiya oo ku caan baxday cadaadiska iyo cabudhinta saxaafada iyo suxufiyiinta ayaa hada mashquul ku ah sidii ay hawada uga saari lahayd qaar kamid ah warbaahinta ay kutaxan yihiin shacabka ay gumaysato.

Kooda TPLF oo kaashanaysa shirkado shisheeye ayaa lasheegayaa in ay jaam garaysay ideecada wayn ee dadka Itoobiyaanka ah ay aadka udhagaystaan ee fadhigeedu yahay wadanka Jarmalka, Ideecadan oo lagu magacaabo DEutsche ayaa ah mida ugu qarniga wayn ee madaxa banaan ee dadwaynuhu ay dhagaystaan waxayna xukuumada wayaanuhu go’aansatay in ay hawada kasaarto si ay shacabka udhago iyo indha tirto.

Ma aha markii ugu horaysay ee xukuumada wayaanuhu ay weerarto warbaahinta madaxa banaan waxayna todobaadkii hore hawada kasaareen ideecada VOA-da laanteeda afka Axmaariga iyagoo diidan kawar bixinta xaqiiqada gudaha wadanka kajirta, Sidoo kale kooxda TPLF ayaa weerartay warbaahin badan oo uu kujiro TVga caanka ah ee ESAT.

Inkasta oo ay adagtay in ay qaar kamid ah warbaahinta hawada kasaaraan hadana waxay kooxdu geed dheer iyo geed gaabanba ufuulaysaa in ay dadwaynaha ka hor istaagaan xogaha rasmiga ah ee ay kahelayaan dhinaca warbaahinta waxayna isku dayayaan in ay maqalka ideecadaha tashuush galiyaan si aan loo ogaanin waxa ay sheegayaan.

Sikastaba ha ahaatee isku daygan ayaa umuuqda naf dheeraysi uun waxayna cadayn utahay khal khalka balaadhan ee soo wajahay kooxda TPLF, Dhinaca kale tashuushkan ay ideecadaha kufurayaan ayaan waxba kabadalaynin xogtii ay shacabku heli jireen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay