Shalay oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 30/916 Waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ka qabsoomay shirkii bilaha ahaa ee Ururka Culimo Owdiinka S.ogadenia UCSO fariciisa Dhagaxlay.

Shirka ayaa furmay abaare 2:00 duhurnimo xiliga Dhadhaab waxaana furay Gudoomiyaha Ururka Culimada laantiisa Dhagaxlay Halgame Sh Cabdiraxmaan Saxane wuxuuna sheekhu si uu shirku u midho dhalo kufuray aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, waxaa kale oo uu gudoomiyuhu qeexay qodobada maanta ladoonayo in laga hadlo.

Intaas kadib waxaa warbixin dhinacyo badan taabanaysay soo jeediyay halgame Macalim Maxamad oo ku dheeraaday xaaladaha kala guurka ah ee maanta gumaysigu kusugan yahay.

Sidoo kale waxaa shirka xooga lagu saaray sidii ururka culimadu uu usamayn lahaa abaabul dhinac kasta ah waxaana hoosta laga xariiqay in wax badan laga qabto dhinaca abaabulka.

Dhinaca kale waxaa shirka lagu gorfeeyay sidii uu shacabka Ogadenia uga faa’iidaysan lahaa marxalada kala yaaca ah ee maanta uu gumaysigu marayo. Sidoo kale ururka culimada ayaa sheegay in sare looqaado akhrintii joogtada ahayd ee qur’aanka kariimka ah.

ONA Dhadhaab.

image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay